Waxaa maanta caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho soo gaaray wafdi kasocday wadamada Yurub oo uu hugaaminayay Safiirka Cusub ee uu Midawga Yurub usoo magacaabay in uu u fariisto dalka Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Masuulkaan ayaa Markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kulankaasi oo ay al baabadu u xirnaayeen ayaa Markii uu soo dhamaaday waxaa si wada jir ah Shir Jaraaid ugu Qabtay saxaafada Wasiiru dowlihii Wasaarada arimaha Dibada Xukuumadii waqtigeedu Dhamaaday Xaamud Cali Maasheeye iyo Safiirka iyagoo Faah faahiyay Wixii ay ka wada hadleen labada dhinac.
Wasiiru Dowlihii Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay inay wafdigaan ka wada hadleen sidii uu Midawga Yurub uga taageeri lahaa Dowladda Curdunka ah ee Soomaaliya Dhinacyada Dib u dhiska, dib u heshiisiinta iyo dhinacyo kale taana ay isku afgarteen aadna ay ugu farxayaan in Yurub ay Safiirkeeda u soo magacaabato dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Safiirka Midawga Yurub uu usoo Magacawday Dalka Soomaaliya ee lagu Magacaabo Je rPhone oo sheegay in uu aad u soo dhaweynayo in Soomaaliya uu ka shaqeeyo horay uu uga shaqey jiray dalka Yamen hadana loo soo diray Soomaaliya uuna balan qaadayo In Yurub wadamada la isku yiraahdo ay Garab istaagi doonaan.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.