Maleeshiyaad kasoo goostay kooxda Al-Shabaab oo isu soo dhiibay ciidamada dowladda iyo Amisom.

Maleeshiyaadkii ugu badnaa ee kasoo goosatay kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isu soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar. HOOS KA DAAWO SAWIRADA OO BADAN

Inta lasheegay 260 askari oo kasoo goostay Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ciidamadan oo ku sheegay sababaha ay isu soo dhiibeen in ay tahay in markii horeba ay ku qasbanaayeen in Al-Shabaab ay la shaqeeyaan oo ay qasab ugu dagaalamaan, hadana ay fursad usoo heleen in ay isaga soo baxaan oo ay is dhiibaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ee kusii siqaya magaalada Jowhar ayaa saxaafadda usoo bandhigay tiradaan Maleeshiyaadkan soo goosatay, waxaana ay sheegeen in la dajiyay xerada Maslax ee ku taala duleedka Suuqa Xoolaha, isla markaana lagu wado in la askariyeeyo, si ay uga mid noqdaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee waa tiradii ugu badneyd ee kasoo goosta kooxda Al-Shabaab, isuna soo dhiiba ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: