Advertisements

Madaxweyne Xasan Maxamuudow, Tarzan Ha Sii Deyn.

Sida ku xusan dastuurkii dadweynuhu u codeeyay 1961-dii, Magaalada Muqdishu, waa Caasimadda Dastuuriga ah ee dalka. Waa Astaanta Qaranka, waana Aasaaska Midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waa saldhigga Dowladda Dhexe, waana muraayadda laga arko xaaladda dalku ku sugan yahay.

Madaxweyne Maxamuudow, Tarzan Ha Sii Deyn
By Abubakar Abubakar 

1.    Gogol Dhig: Magaalada Muqdishu

Sida ku xusan dastuurkii dadweynuhu u codeeyay 1961di, Magaalada Muqdishu, waa caasimadda dastuuriga ah ee dalka. Waa astaanta qaranka, waana aasaaska midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waa saldhigga dowladda dhexe, waana muraayadda laga arko xaaladda dalku ku sugan yahay.

Mas Madaxaa Laga Dilaa!

Labaatan iyo laba sano ee dalku murugsanaa, waxaa loo aaneeyaa xaaladda caasumadda oo qasneyd. Waxaa sidaa darted dadka u kuur gala arimaha Soomaliyeed aaminsan yihiin, in haddii caasimaddu hagaagtu, in dalka intiisa kalena caafimaadayo. Waxaa rumowday murtida kor ku xusan oo adkeyneysa in haddii caasumaddu bara kacdo, in dalka intiisa kalena  kala baqoolayo, oo uu bah bah kala noqonayo. Taasina waa xaaladdii Soomalia ku jirtay muddadi ay dalka ka jireen dhiillooyin ku saleysan qabaa’il iyo bur bur dhaqan, mid dhaqaale iyo mid diimeedba.
 
2.    Tarzan: Duqa Magaalada Muqdishu

2.1    Tarzan iyo Tobanki Ka horeeyay

Muddadi bur burka, waxaa Magaalada Muqdishu soo maray ku dhawaad toban (10)
Guddoomiye/Duq Magaalo oo kala ah:
i.    Caddullahi Gacal Sebrie
ii.    Cumar Xaashi ( naxariisti janno allaha siiyee)
iii.    Cabdullahi Muuse
iv.    Xuseen Cali Axmad
v.    Cadde Gaabow
vi.    Maxamd Dheere
vii.    Maxamad Cisman Cali ( Dhagaxtuur); iyo
viii.    Enjineer Nuunnne

Intaa ka dib, waxaa haboon in lays weyddiyo su’aal aad iyo aad muhiim u ah “Maxay ka qabteen bilicda, amniga iyo adeegga bulshada Magaaladan Muqdishu, siddedi ka horeeyay Tarzan ee aan magacyadooda kor ku soo xusay” ?

Jawaabtu waa sahlan tahay: haddii laga reebo Cumar Xaashi oo amniga magaalada wax weyn ka beddelay, intooda kale ma aysan ka qaban wax dhaafsan danahooda gaarkaa.!

Waxxaa sabab looga dhigi karaa wax qabad la’aanti mas’uuliyiinti ka horeeyay Tarzan, iygoo (sida la sheegayo) intooda badan u adeegayay dano shisheeye, kuwaasoo ddonayay in Soomaliya bur bur iyo barakc ku sii jiro.

Haddii aan taa halkaa uga baxo, su’aasha labaad ee mudan in leys weyddiiyo waxay la xiriirtaa waxa Tarzan ka beddelay dhaqanki kuwi ka horeeyay oo ku saleysnna bixinta dhulka iyo dhismooyinka qaranka,gaar ahaan Jardiinooyinki lagu nasan jiray ee marxuumki Maxamad Siyaad noo dhisay, dhulki bannaanaa ee basaska laga raaci jiray iyo weliba aagag taariikhi ah ee magaalada qaddiimiga ah sida Xamar Jajab, Xamar Weyne, Shingaani, iyo Cabdi Casiis.

2.2    Tarzan iyo Tobanki Bilood ee  uu Magaalada Maamulayay Wax qabadkiisi laguma soo koobi karo halkan, waxaana marag ka ah cid kasta ee Xamar ku nooleed Ama soo booqatay muddadaa. Waxaanse shaki ku jirin inuu wax weyn ka beddelay dhaqanki ay ku can bexeen kooxdii ka horeeyday ee ku saleysnaa maamul xumada.  Iskaba daa dhul dowladeede iyo dadweyne, aan la heli Karin hal mitir  oo dhul ah oo uu Tarzan bixiyay, muddadii uu hayay xilka guddonka iyo Duqa Magaalada Muqdishu. Intaa waxaa dheer, in uu ilaa heer soo celiyay adeeggi bulshada ee Magaaladan Muqdishu, sida nidaafadda, nabad gelyada, diiwaan gelinta dadweynaha (Anaagaraf), dhismaha hay’adaha adeegga ee Dowladda Hoose, iwlm.

In kastoo caqabado fara badan hor taagnaayeen muddadii uu xika hayay oo ay ka mid ahaayeen wada shaqeyn la’aan isaga iyo qaar ka mid ah maamulka degmooyinka iyo kan Dowladda Hoose ee Muqdishu, waxaan muran ku jirin Tarzan Magaaladan Muqdishu wax la taaba karo ka qabtay, taasoo bulshada qeybaheeda kala duwan marag buuxda ka yihiin.
 
3.    Madaxweynow, Maxamuud Axmad Tarzan Ha Sii Deyn

Dad badan oo aqrin doona qoraalkaan, gaar ahaan faca cusub oo aan weligood arag Dowlad Soomaliyeed, waxaa laga yaabaa inay isweydiiyaan xiriirka ka dhaxeeya qoraaga iyo Tarzan? Kuwa ay dhici karto inay u qaataan in xirir sokeeye ka dhaxeeyo, ilama aha in arintooda la soo qaado.

Waxaase mudan inaan codsi rasmi ah u gudbiyo madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud, oo la xiriirta Guddoomiyaha Gobolka benaadir (Muqdishu)/ Duqa Magaalada Muqdishu. Qof kasta oo xog ogaal ah waxay ka war qabtaa in Tarzan uu si barer ah oo cad ugu oloeeyay in dib loo doorto madaxweynihi hore Mudane Shiiq Shariif, taasoo inta jecel in xilka Magaalada Muqdishu laga qaado, sabab ka dhiganayeen ilaa iyo maalinti la doortay madaxweynaha cusub. Hase ahaatee, haddii arintaasi tahay denbiga uu galabsaday ee xilka looga qaadayo Duqa Magaalada Muqdishu, waxaan qabaa in taasi tahay mid aan laga fileyn madaxweynaha cusub. Haddiise arin la xiriirta inuusan ka tirsaneen Xisbiga Madaxweynaha, sida qaar kale sabab uga dhigayaan in xilka laga qaado Tarzan, waxaan loo  baahan yahay in madaxweynaha cusub qaato go’aan ku saleysan danata qaranka oo la mid ah kii uu qaatay Maadaxweyhaha Mareykanka Obama, marki uu ku guuleystay doorashadi madaxweynaha Mareykanka, kaasoo uu Wasiierki Difaaca ee xukuumadi Jamhuuriga ee ka horeeyay, u daayay xilkiisi; taasoo abuurtay jawi isu soo dhawaasho iyo isdhex gal dadki ka tirsanaa labada xisbi ee colaad ballaran dhex aloosantay muddadi ololaha doorashada madaxweynuhun socotay.

Waxaan mar kale usoo jeedineynna Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud inuu danaha qaranka iyo kuwa gobolkaba ka hor mariyo kuwa kooxaha daneystayaalka ah oo himiladdodu tahay inay madaxweynaha u horseedaan wax kasta oo sumcaddiisa iyo kalsoonida shacabku siiyay meel uga dhici kara, buuq iyo xasilloni ldarrana u horseedi kara.

Ugu danbeystina waxaan madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud ugu hambalyeyneynna xilka cusub ee loo doortay, isla una rejeyneynaa guul iyo horuumar.

Qoraalkan waxaa nasoo gaarsiiyay Abubakar Osman Abubakar, waa qoraa ka faallooda arimaha Geeska Africa ( Greater Horn African=GHA= region)

Advertisements
%d bloggers like this: