Advertisements

Ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom oo ku sii wajahan magaalada Jowhar iyo warar kale oo soo baxaya.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Amisom ayaa lagu soo waramayaa in ay kaabiga ku hayaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, kadib markii ay saaka ka ruqaansadeen degmada Balcad ee isla gobolkaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo wata gaawarida gaashaaman ee dagaalka isla markaana gacan ka helaya ciidamada Amisom ayaa saaka ka dhaqaaqay degmada Balcad iyagoo ku sii jeeda magaalada Jowhar ee xarunta G/Sh/dhexe, waxana wararku sheegayaan in dagaal goos goos ah uu ka dhacayo deegaanno u dhaxeeya Qalimow iyo Jowhar.

Gaashaanle Muqtaar Xasan Tifow ‘’Shaahmacabe’’oo ah Taliya guutada Labaad ayaa Warbaahinta u sheegay isagoo ku sugan deegaanka Qalimow in ciidamadu ay waaberigii saaka ka dhaqaaqeen Balcad haddana ay ku sii wajahan yihiin degmada Jowhar.

Sidoo kale Taliyuhu wuxuu sheegay in saaka ay ciidamada isu soo dhiibeen in ka badan Boqol ka tirsanaa Malleeshiyaadka Shabaab oo wata hubkoodii.

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada Amisom ayaa xaqiijisay in ay saaka ciidamada isu soo dhiibeen Boqol malleeshiyaad Shabaab ah kuwaas oo isa soo dhiibay intii uu socday howlgalka ay ciidamadu ugu dhaqaaqeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/shexe, waxeyna Amisom intaa ku dartay in raggaasi dhawaan saxaafadda loo soo bandhigi doono.

SomaliSwiss     Bacad

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: