Wariyihii 4-aad oo Saaka lagu Dilay magaalada Muqdisho.

image

Waxaa markale subaxnimadii saakay magaalada Muqdisho ay kooxo hubeysan toogasho ku dileen Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka tirsan Idaacad lagu magacaabo Radio Maanta oo ka shaqeysa gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in Wariyahaasi ay toogteen rag ku hubeysnaa baastoolado, isla markaana ay rasaas ku fureen xili uu ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wariye Xasan Yuusuf Absuge ayaa noqanaya wariyihii 4-aad ee Muqdisho lagu dilo, iyadoo 3-da wariye kale xalay lagu dilay qarax si bareer loogu tags galay iyagoo ku sugnaa maqaayad ku taala tiyaatarka qaranka agtiisa.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: