Allaha u naxariistee Al-Fannaan Faysal Cumar Mushteeg oo geeriyooday, maantana lagu aasay magaalada Hargeysa.

Waxa xalay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ku geeriyooday Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Faysal Cumr Mushteeg oo in mudo ahba xanuunsanaa. INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Allaha u naxariistee Fanaanka oo kamid ahaa kuwa sida weyn ay Soomaalidu heesihiisa u jeclaayeen ayaa lasheegay geeridiisa kahor in uu ku soo jeeday wadanka Ingiriiska.

Allaah ha u naxariistee Al-Fannaan Faysal Cumar Mushteeg, ayaa xalay ku geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, isaga oo loo sii waday in Berbera diyaarad laga saaro si Dhaqtar dibedeed loo geeyo, waxaana Meydkiisa lagu soo celiyey Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu muddo u jiifay xanuun, waxaana maanta lagu aasay Qabuuraha Xeedho ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: