DAAWO: QARIXII CAAWA LAGU HALAAGMAY MUQDISHO.

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaaraha ka dhashay qaraxyo Maqribnimadii caawa lala eegtay maqaayadda Village oo ku taala magaalada Muqdisho. HOOS KA DAWO VIDEOGA ama AKHRI LIISKA WERIYE YAASHA KU DHINTEY IYO KUWA DHAAWACMAY

Waxaa Caawa abaaro Salaadi Maqrib labo Qarax oo Ismiidaamin ah ka dhaceen Maqaayad lagu Magacaabo The Village oo kutaala agagaarka Gurigii Hooyooyinka Degmada Xamar Weyn ee Gobolka Banaadir.

Labada Qarax ayaa la aaminsan yahay in ay ahaayeen Mid ismiidaamin ah ,mid kamid ah ayaana ka dhacay Goob Maqaayada katirsan halka Mid kalana uu isna daqiiqad kadib uu ka dhacay Maqaayadaasi halkaas ay ku dhamaadeen dad tiro badan oo u badnaa shacab.

Akhri Faahfaahinta iyo Liiska Magacyada Weriyeyaashii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Muqdisho.

Dhinaca kale Madaafiic xoogan oo qasaaro geestay ayaa waxaa xalay lagu garaacay Xaafado katirsan Dagmooyinka Muqdisho.

Madaafiicdaan ayaa waxa ay xoogooda ugu badan ku dhaceen Xaafado katirsan Dagmooyinka Boondheere iyo Shibis waxaana ka dhashay madaafiicdaan qasaaro xoogan oo soogaaray dadka rayidkaa eek u dhaqan Degmooyinkaasi.

Inta laxaaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 8- ruux waxaana uu dhaawac ka soogaaray ilaa dad gaaraya 14-ruux oo dhamaantooda ahaa dadka degaanka.

Waxaana Madaafiicdaan Meelaha ay kudhaceen kamid ah Suuqa Maana Booliya oo halkaasi uu ku geeriyooday Ruux Dhalinyaraa oo Suuqa kulahaa guub ganacsi.

Qaar kamid ah dadk degaanka oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Madaafiicdaan ay ahaayeen kubadan kuwaas oo xalay lagu garaacay Xaafado kamid ah Dagmooyinka Boondheere iyo Shibis.

Waxaana ay dadkaan intaa raaciyeen hadalkooda in aysan garaneenin halka ay kasoo dhacayeen Madaafiicdaani oo kaliyah ay kawar heleem Madaafiic ku soo dhacday Xaafadahooda.

Majiraan wax war ah oo kasoobaxay dhanka Maamulka Degmooyinkaani oo ku aadan Madaafiicdaani.

Madaafiicdaan lagu garaacay xalay Xaafadahaan ilaa iyo iminka lama oga cidda kadanbeysa wallow ay warar kala duwan kasoobaxayaan Madaafiicdaan Xalay lagu garaacay Xaafadahaan cidii kadanbeysay.

SomaliSwiss Muqdissho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: