Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay Kulanka casho sharaf ah u sameeyey  Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ugu mahadceliyay  kaalintii wanaagsaneyd oo ay ka qaateen doorashooyinkii madaxtinimada dalka,waxaana kulankaas joogay musharraxiintii u tartameysay xilka Madaxtinimada dalka.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamanka dulqaadka ay muujiyeen iyo sida ay codkooda u siiyeen, sidoo kale madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay musharrixiintii la tartameysay oo si kalsooni leh ugu qancay natiija doorashadaasi.

Madaxweynaha oo hadalkisa sii wata wuxuu intaa ku daray in mudnaanta uu siin doono ammaanka, iyadoo ay ku dhinac socoto dhismaha dowladda oo hadda uu ku howlanyahay wadatashi ku aadan sidii uu u soo magaacaabi lahaa R/wasaare hoggaamiya dowlad tayo leh oo shacabka Soomaaliyeed u horseeda horumar iyo barwaaqo.

Waxaa kaloo casho sharaftaas ka hadlay  Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari wuxuuna faahfaahiyay mas’uuliyadda saaran Xildhibaannada iyo sida loogu baahan yahay in ay u gutaan waajibaadkooda,wuxuu  guddoomiyuhu uu ballan qaaday in xildhibaannada ay dalka gaarsiin doonaan doorasho xor ah  oo qofkasta Soomaali ah uu dooran karo qofkii uu doonayo.

Mudane  Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri :  ‘’Golaha shacbiga wuxuu diyaar u yahay shaqo wanaag iyo in uu dalka u horseedo isticmaalka awoodaha sharciga oo aan xadgudub laheyn, waxaan sidoo kale diyaar u nahay inaan wadashaqeyn buuxda iyo xasillooni siyaasadeen aanu abuurno, si dalkan 4 sano kadib aan ugu wareejinno gacanta mas’uuliyiin ay dadku soo doorteen, weyna naga go’antahay inaan taas ka dhabeyno’’.

Sida aad la socotaan  Madaxweyne Prof Xasan Sheekh Maxamuud markii 10-kii bashan loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayuu sheegay  inay horyaalaan arrimo badan oo ay u baahnaayeen dal iyo dad Soomaaliyeed muddo ka badan 20 sano helin oo ah  « dowlnimo taam ah ».

 SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: