Afhayeenka kooxda Al-Shabaab oo sheegay in Kismaayo ay ku dagaalami doonaan.

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa  sheegay in ka bixitaankooda magaalada Kismaayo ay ka horreyso in dad badan ay ku naf-waayaan, si sahal ahna aanay uga bixi diinin.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere,ayaa sheegay inay xoogaggoodu weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo, wuxuuna warbaahinta caalamka ku eedeeyay inay baahiyeen warar been ah oo aanay waxba ka jirin, iyaguna aysan ka bixin Kismaayo, ayna difaaci doonaan.”

Afhyeenku wuxuu beeniyay in xalaad magaalada Kismaayo ay ka jirto cabsi weyn, dadkuna ay ka barakacayaan, balse uu sheegay in xaaladda Kismaayo ay tahay mid daggan ganacsiguna uu si caadi ah uga socdo, wuxuuna ugu baaqay shacabka Jubbooyinka inay  ka hortaggaan duullaanka  ay dowladda Kenya kusoo qaadayso magaaladaas.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Kenya kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo degmada Kismaayo, iyadoo dagaalladaas ay guulo waaweyn ka sheegteen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay isaga baxeen magaalada Kismaayo  Ciidamada dowladda Soomaaliya  iyo kuwii Kenyana aysan gaarin, hase yeeshee waxay dadweynuhu xuseen inay ka jirto degmadaas cabsi weyn dadkuna ay barakacayaan.

Sida aad la socotaan waxaa magaalada Kismaayo ka socday muddo aan ka yareen hal sano ah duqeymo ay geysanayeen diyaarado dagaal iyo maraakiib ku sugan xeebta badweynta Hindiya.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: