Abaanduulaha Taliska ciidamada Miliriga Soomaaliya oo sheegay in ciidamadu ay dhawaan la wareegi doonaan magaalada Kismaayo.

Abaanduulaha ciidamada XDS Jeneraal C/kariin Yuusuf Dhegabadan oo ka hadlayay Xaflad lagu sagootinayay taliyihii hore ee ciidamada Uganda ee Soomaaliya Gen. Paul laguna soo dhaweynayay Taliyaha cusub ee lagu bedelay ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay kaabiga ku hayaan degmada Kismaayo ayna maalmaha soo socda la wareegid doonaan Magaaladaasi.

Sidoo kale Abaanduuliyuhu wuxuu intaa ku daray in ciidamda Xoogga DS ay ka soo dhaqaaqeen Beydhabo, iyagoo ku soo wajahan Buurhakabo goor dhowna la wareegi doona magaaladaasi.

Si kasta ha ahaatee hadalka Gen, Dhegabadan ayaa imaanaya xilli ay ciidamada XDS kaabiga u saaran yihiin magaalada Kismaayo oo ah xaruntii ugu weyneyd oo ay ku xoogganayeen Xarakada Al- Shabaab, islamarkaana ay ka heli jireen dhaqaalaha ay u isticmaalaan dagaalada ay ku waxyeelleynayaan shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: