Xasan Sh. Maxamuud: Kenya ha soo cadeyso Eedeyntii ay u jeediyeen Sheekh Shariif ama raalli gelin Ha bixiyaano.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madax weynaha Cusub ee Soomaaliya  ayaa weydiistay dowladda Kenya in ay soo Cadeeyaan ama raalli gelin ka bixiyaan eedeyntii ay u jeediyeen Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Madaxweynaha oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ay tahay wax aan wanaag saneyen in eedeyn nuucaas ah loo soojeediyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in xiriir ay lasameeyeen qaar katirsan Madaxda Kenya  cadeeyeen in uu hadalkaas ahaa mid qaldan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa si kulul u yiri “waa in ay cadeeyaan madaxda Kenya warkii ay ku shaaciyeen warbaahinta”.

Hadalka Ka soobaxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu imaanayaa xilli maanta uu isna Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Shiif Shiikh Axmed oo warkaasi ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Dowlada Kenya mid ay kaga been abuuranayaan oo ayna doonayaan in ay qoorata isku galiyaan Madaxdii hore iyo kuwa haatan talada haayo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: