Sh. Shariif oo u jawaabey Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya oo isaga ku eedeyay Qaraxii ka dhacay Hotel Jazeera.

Shariif  Sh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal eedeyn ahaa oo dowlada Kenya ku sheegtay inuu isagu ka danbeeyay qaraxii lagu weeraray dhowaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud. HOOS KA DAAWO VIDEO & SAWIRADA

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay gurigiisa Muqdisho ayuu Shariif Sh Axmed ku sheegay in ay tahay wax aad looga xumaado hadalkii dowladda Kenya ka soo baxay ee isaga lagu eedeynayey, kaas oo uu ku sifeeyey wax aad sal iyo raad lahayn.

“Waa been warka kasoo baxay Kenya, waana arin nasiib darro ah, wasiirka sheegay warkaasna isagoo waqti gaaban xilka haya ayuu sidaas nagu sameeyay” ayuu yiri Madaxweynahii hore.

Waxaa uu sheegay madaxweynahii hore in Kenya ay ka been sheegtay warka ah inuu Kenya ka dalbaday in laga caawiyo sidii doorashada Soomaaliya uu isagu ugu soo baxo.

“Kenya inaan weydiistay inay igu taageerto doorashada waa mid been ah, wasiirkana ma uusan ahayn midka codeynaya, dhaqaalana ma weydiisan wadahadal aniga iyo isaga ama labada dal dhexmarayna ma jirin” ayuu yiri  Shariif Sh Axmed.

Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in Kenya ay isaga colaad gaar ah u haysay xilligii uu dalka madaxda ka ahaa hase ahaatee ay ahayd in maadaama xilka looga guulaystay ay qarsadaan colaaddii ay u qabeen isaga.

 

Mar uu soo hadal qaaday waxa keenay inuu si deg deg ah ku tago hotelka markii qaraxa uu dhacay ayuu yiri  “Dhacda daasi waxaa ay ahed dhacdo xun, waxaana meesha u tagay waxey aheyd gurmad iyo in madaxweynaha aan ka soo saaro meesha sababtuna waxay tahay mar hadii meesha uu shil ka dhaco waxa ugu horeya ee la qabto waa in madaxda laga soo saaro” ayuu yiri isagoo sii raaciyey.

“Waxaan aaminsanahay in aan qibrad u lahaa oo aan u soo joogay dhacdooyin badan oo ceynkaas ah oo dhacay intii aan xilka hayey, masuuliyad ayaana iga saarneyd in madaxweynaha ka soo saaro meeshaas”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka afeeftay in laga been sheego isagoo xusay inuusan u dul qaadan doonin eedeyn kasta oo loo soo jeediyo ama  uga timaada cid kasta.

‘’Hada kadib ma dhici doonto in aan iska aamuso inta Wax la iga sheego qofkii wax iga sheegaa ana waan ka daba hadlayaa wax baan ka sheegayaa ,waxaana dhax dhaxaad noo ah oo noo gar qaadaya Warbaahinta ‘’ ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Arimaha dibadda Kenya Sam Ongeri ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya inuu ka danbeeyay qaraxii lagu weeraray Hotel Jaziira oo ay ku shirsanaayeen Madaxweynaha cusub iyo Wafdi uu isaga hogaaminayay, inkastoo uu hadana beeniyey isla wasiirkaasi markii madaxda dowladda Kenya ay ku tilmaantey hadalkiisii mid isaga ku koobnaa.

 SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: