Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland oo soo dhoweeyey hadalkii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa soo dhoweeyay isla markaana taageeray isbedelka ka dhacay dhowaan dalka iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee la-doortey Xasan Sheekh Maxamuud iyo hadalkii uu jeediyey.

Madaxa arimaha dibadda Maamulka Somaliland Dr Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inay ugu tahniyadeeynayaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana uu dhinaca kale sheegay inuu ku faraxsan yahay wadahadal dhex mara Soomaaliya iyo maamulkooda oo laga sii ambaqaado meeshiisii hore.

Sidoo kale Dr. Maxamed Cabdullaahi oo u waramayay wakaaladaha wararka ayuu sheegay in wadahadal dhexmara Maamulka Soomaaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid loo baahan yahay, ha yeeshee waxa uu meesha ka saaray in wadahadalkaasi ku lifaaqan tahay midnimo mar kale dhex marto Koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Madaxa arrimaha dibadda Maamulka Somaliland wuxuu sheegay inuu  soo dhaweynayo hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ka soo baxay ee ku aadanaa in la sii xoojin doono wadahadalkii u dhaxeeyay labada dhinac waxaase cadeyneynaa in Maamulka Soomaaliland uusan la midoobi doonin Soomaaliya.

SomaliSwiss     Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: