Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya oo sheegay in Safaaraddu ay dacwad u gudbisay dowladda dalkaas.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Safaaraddu ay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi u gudbisay dowladda dalkaasi, kadib markii sida ay qoreen warbaahinta dalkaasi uu wasiirku ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya. HOOS KA DAAWO VIDEO-GA in uu ka dambeeyay qaraxii 13-kii bishan ka dhacay Hotelka Jazeera ee Muqdisho xilligaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha J.F.Soomaaliya iyo wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirkaasi.

Sidoo kale Danjiraha wuxuu intaas ku daray in mas’uuliyiinta dowladda Kenya ay u sheegeen in hadalkaasi uu raaligelin ka bixiyo Wasiirku, Safiirku wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay warkaasi ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qef iyo sharaf dhac weyn ay ku tahay madaxda Qaranka Soomaaliya.

Dhanka kale hadalka Danjire Maxaned cali Ameeriko ayaa imaanaya xilli sida la sheegay wargeyska Daily Naition ee ka soo baxa dalkaas uu daabacay hadal uu ka soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jazeera 13-kii bishan kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah.

Si kasta ha ahaatee waxaa mas’uuliyadda qaraxaas  sheegatay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: