Xaaladda magaalada Kismaayo oo Walaahow ku jirta iyo Horjoogayaashii Al-Shabaab oo ka baxay Magaaladaasi.

Warar lagu kalsoon yahay ee aan ka helnay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in 30 Maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Qalaawila ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay cagta mariyeen malleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Qalaawila iyo Tuulooyin ku agdhow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku dhuumaaleeysanayeen malleeshiyaadkaasi.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonaaqnkaro oo aynu ka helnay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in malleeshiyaadka Shabaab iyo horjoogayaashoodiiba ay isaga baxeen magaalada Kismaayo kadib markii ay u caddaatay ineysan u jilib dhigi karin awoodda ciidamada XDS oo magaaladaasi kaga soo wajahan konfurta iyo galbeedka.

Dhanka kale waxaa  lagu soo waramayaa in Horjoogayaasha ay uga baxeen magaalada Kismaayo dhanka Waqooji si gabbaab uga dhigtaan dhulka Keymaha ah, halka kuwo kalena ay u soo dhaqaaqeen dhanka Jilib, inkastoo warar kale oo aan la xaqiijinin ay sheegayaan in horjoogayaashu ay u jidaaleen dhanka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Si kasta ha ahaatee Jabka kooxda Al-Shabaab ayaa imaanaya xilli aysan jirin cid ka gacan siinaysa  xaaladda ay maanta ku sugan yihiin, waxaana kooxda Al-Shabaab ku dul-habsaday  Nabsigii iyo Cuquubadii ay ka gelayeen shacabka Soomaaliyeed oo ay u horseedeen dhibaatooyin aad u farabadan.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: