Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya oo Qaraxii Ka Dhacay Hotel Jaziira ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed.

Qaar kamid ah Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaacisay in Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Kenya uu sheegay in Sh. Shariif ka dambeeyay qarax ka dhacay Hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya Prof. Sam Ongeeri ayaa sheegey mar uu la hadlayay qaar kamid ah warbaahinta ka soo baxda magaalada Nairobi, in uu si weyn uga shakisan yahay in isku deygii qarax uu ka danbeeyay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, isagoona ujeedada laga lahaa ku macneeyay Loolankii Siyaasadeed ee markaa jiray.

Wasiirka arrimaha Dibadda ayaa sheegey in kahor intii aanay dhicin Doorashadii Tobankii Bishan ka dhacday magaalada Muqdisho uu isaga shakhsiyan Shariif Sh. Axmed la soo Xiriiray, kaddibna uu weeydiisatay in Xukuumadda Kenya xoogga saareyso sidii uu Madaxweynihii hore xilkaas dib ugu soo noqon lahaa.

Ongeeri ayaa intaa ku daray in jawaabtii uu arrintaa ka bixiyay Shariif Sh. Axmed ay ahayd in Xukuumadda Kenya aanay wax shaqa ah ku lahayn arrimaha doorashada arrintuna ay tahay mid u taala Soomaalida.

Waxaa la yaab leh marka aan dib u Jaleeco markii uu qaraxu dhacay kaddib inaan u jeeday Shariif Sheikh Axmed oo goobta taagan iyadoo haba yaraatee wax naxdin ahi aysan ka muuqan ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha Dibadda ee Dalka Kiinya.

Saam Ongeeri ayaa si weyn u muujiyay in qaraxaasi la doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud inuu wax ka ogaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh  Axmed oo uu loolan xooggan kala dhaxeeyay Musharixii xilkaasi kula tartamay.

Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya ayaa kamid ahaa Xubnihii markuu qaraxu dhacayay kulanka la lahaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyagoona ugu tagay si ay ugu hanbalyeeyaan isla markaana soo gaarsiiyay dhanbaal ay uga wadeen Madaxweynaha dalka Kenya.

Dowlaadda Kenya iyo dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Shariif ayaan isku wanaagsaneyn ka gadaal markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya bishii Octobar 2011, iyagoo aan kala tashan dowladdii uu hogaaminayay Shariif ee jirtay xiligaas, iyadoo Kenyana ay Muhimad gaar ah siinayso Gobolka Jubada Hoose.

Si kasta ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray Xukuumadda Kenya ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli ay madaxdii Caalamka inteeda badan kasoo qeyb galeen xafladdii Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sh. Maxamud, isla markaana laga waayay madax kasocotay wadanka Kenya.

Ugu dambeyntii hadalka kasoo yeeray xukuumadda Kenya ayaa noqday mid dareenka dadka si aad ah u soo jiitay, isla markaana u muuqanaysa qadiyad u baahan in baaritaano badan laga sameeyo, in kastoo Qaraxaasi ay sheegteen in ay ka danbeeyeen maleshiyada kooxda Al-Shabaab.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: