Xaflad loogu dabaaldegeyay sanad-guurada 14-aad ee Puntland oo ka dhacday magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.

Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo lagu Maamusayay Sanad Guurada 14-aad ee ka soo wareegtay asaaskii iyo Dhismaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Munaasabadaan oo ay ka soo qeyb galeen inta Badan Dadka Soomaalida ee ku Nool Dalka Switzerland,ayaa waxaa qaban qaabadeeda Gacan ka geestay Jaaliyada Puntland ee Switzerland ku dhaqan.

Madasha oo si aad ah loo qurixiyay waxaa Dhanka Madadaalada Ka qeyb qaadanayay Kooxda Walaalaha Switzerland Fanaaniintooda oo Kala Ah Ahmed Zaki, Samatar Samj iyo Khadra, iyadoo ay qudbada ka soo jeediyeen Goobta Xubno ka tirsan Jaaliyada Puntland ee Dalka Switzerland.

Xubnihii  ka hadlay Xaflada Lagu Maamusayay Munaasabada Afar iyo Toban Sano Guuradii ka soo wareegtay Dhismahai Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa .

Cabdirisaaq Siciid Qotome
Luul Maxamed Digriyow
Ahmed Jaamac Fiidhbool
Xaashi Yaasiin Cismaan Keenadiid
iyo Weliba Maxamed Aadan Cabdulle.

Maamul Goboleedka Puntland  wuxuu dhowaan u gudbay Nidaamka Xisbiyada Badan wuxuu  haatan u xuubsiibtay Dowlada Puntland.

Puntland ayaa ahaa Maamul Goboleedkii ugu Horeeyay ee laga dhiso dhulka Soomaaliya , Sidoo kale Afar iyo Toban Sano Kadib ayaa Deegnaada Puntland waxaa ka jirta Nabad iyo Kala Danbeyn  La isku Haleynka.

Waxaana 14-kii sano ee uu Maamulkaasi Jiray soo Maray  Shan  Madaxweyne oo Xilalka si Nabad ah isugu Wareejiyay, Waxaana Madaxweynayaashaasi ka mid ahaa.. Col.Cabdullahi Yuusuf Axmed (AUN), Col.Jaamac Cali Jaamac, Maxamed Cabdi Xaashi , Gen.Maxamud Muuse Xirsi (Gen Cadde) iyo Madaxweynaha Haatan Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Mohamed (Faroole).

SomaliSwiss Geneva

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: