Advertisements

Xaflad lagu taageerayay madaxweynaha cusub oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Xaflad lagu taageerayey Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo ay sameeyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ethiopia ayaa lagu qabtey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafladda oo ay ka soo qeyb galeen Somalida ku dhaqan caasimadda dalkaas ee Addis Ababa ayey soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah jaaliyadaha dalkaas ku dhaqan, iyadoo ay halkaas Soomaalida kala hadleen qaar ka mid ah madaxda Somali community iyo bulshada qeybaheeda kala duwan sida fanaaniinta, ganacsatada, Odayaal, dhalinyaro, haween  iyo waxgarad kale.

Inkastoo Soomaalida dalka Ethiopia oo dhan ay ka mideysnaayeen taageeridda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayey hadana cabasho ka muujiyeen agaasimidda iyo qaabka xafladda loo dhigay qaar ka mid ah jaaliyadaha iyo beelaha Soomaalida oo muujiyey in dad gaar ah is lahaysiiyeen xafladda.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: