Advertisements

Wafuud caalami ah oo ku qul qulaysa magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Cusub.

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya u diyaargarow ku aadan Caleema saarka Madaxweynaha Cusub waxaana Muqdisho ku soo qul qulaya Wafuud caalami ah si ay uga qayb galaan Munaasabadda Caleema saarka xilka Madaxweynanimada Soomaaliya uu ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ilaa shalay  ay dalka soo gaareen madax ka soocota caalamka, islamarkaasna kuwo kale la filayo inay dalka soo gaaran maalinta berito oo ah mudada loo qabtay Caleema saarka Madaxweynaha cusub.

Sida la wada ogsoon yahay doorashada ka dhacday Muqdisho ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ahayd mid taarikhi ah oo aan weli Soomaaliya ka dhicin, waxaana gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisa si weyn looga soo dhaweeyay doorashada ka dhacday iyo isbadalka ka dhacay Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka soconaaya qaban qaabada Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in maalinimada berri oo Axad ah uu Madaxweyne Xasan Sheekh si rasmi ah ula wareegi doono Xafiiska Madaxtooyada.

Dhanka kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho Wafuud Caalami ah oo ka kala socda dalalka deriska, sida wakiilada IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta, dalalka Ingiriiska, Mareykanka, iyo dalal kale ee daneeya Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay ka qeybgalaan caleema saarka Madaxweynaha cusub.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Not Allowed - Somaliland Parliament

Mogadiscio 1936.

Sheekh, Somaliland

Sheekh, Somaliland

President Sharif on a wagon carrying money and...

Advertisements
%d bloggers like this: