Advertisements

Ciidamada Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay Hub kala duwan iyo Suumanka la isku qarxiyo.

Baaris ay ku sameeyeen Booliska dalka Kenya Xaafadaha magaalada Nairobi ee ay Soomaalida degto ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay Hub, rasaas iyo suumanka la isku qarxiyo iyo labo nin oo Soomaali ah, oo lagu soo eedeeyay inay rabeen in walxaha qarxa ay u isticmaali lahaayeen weeraro argagixiso oo ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Kenya Eric Kimathi ayaa u soo bandhigay Warbaahinta Qalab ka kooban walxo qarxa oo gaaraya 12 Xabo, ayna ku jireen fiyuusyo iyo koolo, lagu soo xiray Jaakadaha la isku qarxiyo, afar qori AK47, iyo rasaasta.

Sidoo kale Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ay ka soo heleen guri ku yaal, ayna ku soo qabteen Hub fara badan oo isugu jira Qoryaha AK47, rasaas iyo suumanka loo adeegsaday in la isku qarxiyo.

Dhinaca kale Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Kenya Moses Ombati ayaa sheegeen inay gacanta ku dhigeen ilaa 6 suun ama jaakadaha la isku qarxiyo, 4 qoryaha AK47, rasaas iyo dhowr bambooyin ah oo ay ururka al-Shabaab ku isticmaali lahaayeen sida ay boolisku sheegeen weerar argagixiso ah oo aad u weyn.

Booliska Kenya ka warheleen in guri lagu hayay walxaha qarxa iyo hubkoodii uu ku yaalo xaafadda Islii, kadibna uu howlgalkan yimid, waxayna Booliska Kenya ay rumeysnaayeen  in weerarkaasi la doonayey in lagu qaado laguna qarxiyo todobaadkan gudihiisana qaar ka mid ah Kaniisadaha dalka Kenya.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: