Advertisements

Afayeenka ciidamada dowadda Kenya oo sheegay in ay la wareegeen deegaanka Biibi oo ku dhow magalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada dowadda Kenya Cyrus Oguna oo ka mid ah kuwa AMISOM ayaa sheegay inay qarka u saaran yihiin qabsashada magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose, wuxuuna sheegay in hadda gacantooda ay ku jirto deegaano ku teedsan Kismaayo oo ay ka mid tahay magaalada Biibi oo ay shalay la wareegeen.

Afhayeenku  wuxuu sheegay inaysan jirin caqabad ka hortaagan qabsashada Kismaayo, wuxuu kaloo sheegay in dagaalkii Al shabab ay kula galeen magaalada Biibi ay ku dileen in ka badan saddex ka tirsan dagaalyahanada al shabab, dhankooduna waxa uu sheegay in saddex askari oo soomaali ah ay ka dhaawacantay.

Col. Cyrus Oguna oo ka mid ah afhayeenada ciidamada kenya Ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM oo gacan isa siinaya ayaa la wareegay magaalada muhiimka ah ee Biibi oo u dhow Ksmaayo, waxana ay dileen dagaalyahanno al shabab ka tirsan oo saddex ka badan , waxana ay ciidamadu ay qorsheenayaan sidii Kismaayo gacantooda ay u soo gelin lahaayeen, wuxuuna intaa ku daray in al shababka kismaayo ku sugan ay go’doon ku jiraan.

SomaliSwiss      Afmadow

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: