Advertisements

Guddoomiyaha Baarlamanka oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Sudan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi Wafdiga ka socday dowladda Sudan kuwaas oo uu kula hadlay xiriirka ka dhaxeeya Labada dowladood iyagoo usoo gudbiyey salaan ay uga sidaan dhiggiisa dalkaasi.

Wafdiga dowladda Suudaan waxaa hoggaaminayay Danjiraha Sudan u fadhiya Soomaaliya waxayna Kulan ay la qaateen guddoomiyaha Baarlamanka, waxeyna u gudbiyeen guddoomiyaha Baarlamanka Salaan diirran iyo hambalyo ay uga sideen dhiggiisa dalka Sudan, iyagoo ka wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeya Baarlamannada iyo iskaashiga Labada dowladood.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Danjiraha Sudan u fadhiya Somalia iyo mas’uuliyiinta la socotaba waxay soo dhaweeyeen isbedellada siyaasadeed ee ka dhacaya dalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in dowladda Sudan ay dooneyso in xiriir wanaagsan iyo iskaashiba la yeelato dowladda cusub ee Soomaaliya.

Si Kasta ha ahaatee Dowladda Sudan ayaa ka mid ah waddamada sida gaarka ah u garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed xilliyadii dhibaatada ay dalka ka jirtay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: