Advertisements

Hambalyo loodirayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Waxaa si isadaba joog ah u soo gaaraya SomaliSwiss hambalyooyin ay dadka Soomaaliyeed u dirayaan madaxwynaha cusub ee Soomaaliya, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah hambalyooyinkaas.

 

 

Waxaa si isadaba joog ah u soo gaaraya SomaliSwiss hambalyooyin ay dadka Soomaaliyeed u dirayaan madaxwynaha cusub ee Soomaaliya, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah hambalyooyinkaas.HOOS KA AQRI HAMBALYOOYINKAAS

Eng. Cabdulqaadir Shiikh Mukhtaar “Aniga oo ku hadlaya Magaca Jaaliyadda Australia oo Bagaadin iyo Baaq u direy Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Iydoo weli ay socdaan Hambalyada , Bogaadinta iyo Talooyinka loo dirayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo la doortey 10-kii Bishaan ayaa mid la mid Hambalyadaas waxay naga soo gaartey Jaaliyadda Soomaalida Wadanka Australia waxayna Madaxweynaha Cusub ugu Hambalyeeyeen Doorashadaas , iyagoo  Ilaah uga Baryey  in uu la garab galo Xilkaas Culus ee ay dadka Soomaaliyeed ku Aamineen .

Eng Cabduqaadir Shiikh Mukhtaar oo ku hadlayey Magaca Jaaliyada Soomaalida Wadanka Australia  ayaa sheegey in Soomaaliya uu u baryey Waa Cusub ka dib markii   Madaxweyne Cusub loo doortey Xasan Shiikh Maxamuud , isagoo sheegey  in Madaxweynaha Cusub  uu yahay shaqsi  aan meelna uga bixin  wixii dhibaato ahaa ee ka dhacay Wadanka Soomaaliya , sidoo kale waxaa uu ahaa Aabihii dhidibada u Aasey Waxbarshada  Somaaliya markii  dadka Soomaaliyeed ay ku jireen Dagaaladii Sokeeye.

“Waxaa Madaxweyne kuu soo jeedineynaa in aad soo Magacwdo Raiisul Wasaare  wax ka qaban kara dhibaatada Soomaaliya , waa in aad Badisaa la tashiyada ku aadan Magacaabida  Ra’iisul Wasaaraha Cusub waayo Dowladii hore waxaa ragaadiyey ama dib u dhigey  khilaaf aad u ba’an waayo waxaa Dowladaas la badeley ilaa Seddex Rasiisul Wasaare iyo Hal Gudoomiye Baarlamaanka marka waa in Dowladaada taas ka gudubtaa oo aad wada shaqeysaan Min Madaxweyne, Ra’iisul Wsaare iyo Gudoomiye Barlamaan” ayuu yiri  Eng Cabduqaadir  Shiikh Mukhtaar.

Eng  Cabduqaadir waxaa uu sheegey in  Jaaliyada reer Australia ay wixii karaankeeda  la garab taagnaan doonto  Dowladda Cusub ee ka dhalatey Soomaaliya ee uu Hormuudka uu ka yahay Madaxweyne Dr Xasan Shiikh  Maxamuud  sidoo kale waxaa uu sheegey  in wax qabadka Dowladda Federaalka la ogaan doono Boqolka maalmood ee ugu horeeyey  waxayna Jaaliyadda u rajeeyeen Madaxda Cusub ee Soomaaliaya in ay si Daacad ah u gutaan  Xilkaas Culus .

Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.Ashhad)  oo Bogaadiyey Madaxweynaha Cusub  islamarkaana sheegey in uu yimid Waqti loo Baahnaa.

Dr Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr Ashhad ) oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga Hadley is bedelkii ka dhacay Dalka gaar ahaan Doorashadii Madaxweynaha ee uu ku soo baxay Xasan Shiikh Maxamuud waxaana ugu horeyntii uu Bagaadin u Direy Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo uu sheegey in uu yahay Aqoonyahan yimid Waqti loo baahnaa.

“Muddo Sagaal sanno ayaa sugayey is bedelkaan in uu yimaado , waxaana ii muuqata   fursado badan oo aan Dowladda Cusub kula Shaqeyn kara  maadaama aan ahay aqoonyahan doonayo in uu Dalkiisa u abaalguda islamarkaana  aan ahaa qof  wax ku soo bartey Canshuurtii dalka” ayuu yiri Cabdulaahi Sheikh Xasan  oo intaa raaciyey

“Waxaan kula Talinayaa Madaxweyne  Prof Xasan Shiikh Maxamuud in uu soo magacaabo Raiisul Wasaare karti leh oo dalka ka badbaadin kara dhibaatooyinka uu ku jiro ee dhinaca Nabada , Dib u heshiisiinta iyo Dhaqaalaha waxay Jiritaanka Dowladaada ku xiran tahay hadba sidaa u soo xulato Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya”

Dr Cabdulahi Mar uu ka hadlayey arrimaha  Gobolka Banaadir waxaa uu u soo jeediyey Madaxweynaha Cusub in uu isbedel ku sameeyo islamarkaana  tixigelin ka siiyo dadka reer Banaadiriga maadaama muddo dheer lagu sameynayey Dulmi iyo Cadaaladdarro weyn , waxaa uu sheegey in  uu doonayo in aqoontiisa ku biiriyo arimaha Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha Bulshadda iyo sidii dib loogu soo dhisi lahaa kaabayaashii Gobolka Banaadir taasina waxay  u baahan tahay la tashi dheer.

Ugu Dambeyntii waxa uu sidoo kale  Dr Cabdulaahi  Bogaadin u direy Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed   isagoo sheegey in uu wax weyn ka qabtey arrimaha Amaanka iyo dib u soo celintii kala dambeyntii  waxaa uu sii raaciyey”Doorasho kam dhacdeen  Magaalada Muqdisho adiga ayaa sabab u ahaa in ay taasi ay suurta gasho, dadaalkaasina waa mid uusan hilmaami doonin Shacabka Soomaaliyeed  Taariikhda ku xusi doonto”

Eng. Maxamed Axmed Rooble “oo Hambalyo iyo Bogaadin u direy Madaxweynaha Cusub islamarkaana u soo jeediyey Talooyin‏

Salaan k adib, Anigoo ku hadlaya Magaceyga iyo kan Ummadda Soomaaliyeed ee samaha iyo Samaanta jecel waxaan halkan Hambalyo iyo Bogaadin uga  dirayaa  Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Prof.Xassan Sheekh Maxamud  oo maalinimadii Isniinta  taariikhduna aheyd ( 10.Sept, 2012) lagu soo doortay Magaalada Muqdisho ee wadankeenii  Hooyo,  Mudane Madaxweyne Prof Xassan  Sheekh Maxamud, waxaan Allaha Awooda sare leh  kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo xilkan culus ee laguu doortey, si  aad uga samata bixiso  dhibaatada baaxada weyn ee ku habsaday dadka iyo dalka, Mudane Madaxweyne  waxaan sidoo kale kuu rajeynaynaa in Alle Subxaanahu watacalaa kaa dhigo Hogaamiye Ummadda Soomaaliyeed ku Hogaamiya  dhanka  Nabada Sinnaanta iyo Caddaalada.

Sidoo kale waxaa Amaan muddan Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo kuxigeenadiisa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Jeylaani Nuur Iikar & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mahad Cawad  Cabdulle, oo muujiyey karti iyo howlkarnimo wanaagsan, sidoo kale waxaa  amaan iyo abaalmarin muddan  Mudanayaasha  Baarlamaanka Soomaaliya  oo aan oran karo waxa ay Ttaariikhda ka galeen Baal Dahab ah,Ttaariikhda ayaana idin xusi doonta rabitaankii shacabka  ee  aad muujideen .

 Waxaan mahad balaaran u jeedinayaa  Gudiga farsamada iyo Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha sidii wanaagsaneyd  ee ay u guteen waajibaadkii saarnaa, waxaan leeyahay waxaad mudanthin  Amaan iyo Abaal marin Sidoo kale waxaan  mahad balaaran u jeedinayaa  Dowladihii ka geystey Hiilka iyo Hoodaba in ay suurta gasho qabsamida doorashadii  ka dhacday magaalada Muqdisho, Waxaa kale oo aan marnaba la iloobi Karin Ciidama Qalabka sida,Guulihii isdabajooga ahaa iyo  sidii ay naftooda ugu hureen difaaca dadka, dalka iyo diintaba, waxaad mudantihiin Amaan iyo Abaalmarin.

Waxaa Mdaxda Cusub oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  u soo jeedinayaa in aad u Hagaansantaan Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed maadaama ay meesha ku timaadeen  Xildhibaanada Baarlamanka oo iyaga Matalya Shacabka Soomaaliyeed Sidoo kale waxa u soo jeedinayaa  Madaxweyne Xasan Shiikh in uu soo xulo Raiisul Wasaare karti leh oo soo dhisa Dowlada loo dhan yahay

“Dowladaada in ay hore u socoto Waxaay ku xirantahay hadba Raisuul Wsaaraha aad Xulato waxaana midaas kuugu qiimeynaya Shacabka Soomaaliyeed “ayuu yiri Ing Maxamed Axmed Rooble oo  uguy baaqeyn in la tashi uu la sameeyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada si aad uga hesho talo wax ku ool ah

 Ugu Dambeyntii waxaan u soo jeedinayaa Shacabka Soomaaliyed in ay la shaqeeyaan Madaxda Cusub  si loo gaaro Horumar , Nabad iyo Dib u heshiisiin dhab Waxaa uu sii raaciyey” Hadii aysan wada shaqeyn dhex marin Shacabka iyo Madaxda Cusub in ay meesha ka baxayso wixii la Hhigsanayey oo ahaa  Nabad iyo Horumar”  

Wixii Hambalyooin ah waxaad ku soo hagaajin kartaa SomaliSwiss adigoo ku soo diri kara cinwaankeena hoos ku qoran.

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: