Qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo ay qasaarahiisa sii kordhayaan iyo dhimashada oo gaartay in kabadan 14 Askari oo Soomaali iyo Amisom ah.

Warar sugan oo laga helaay Hotel Jaziira oo si kumeel gaar ah uu u daganaa Madaxweynaha Cusub ee dhawaan la doortay Prof. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegaya tirada qasaaraha dhimashada ee ciidamada Amisom iyo Ciidamada dowladda ka soo gaartay Naftood haligayaashii weerarka geystay iyo sida ay u soo qorsheeyeen. HOOS KA DAAWO SAWIRADA IYO DHAAWACYADA

Goobjooge ku sugnaa xiliga uu qaraxa dhacay kana mid ahaa Shaqaalaha Hotel Jaziira ayaa si kooban uga warbixiyay wariyaheena Muqdisho, falkii Argagixisada ee la doonayay in lagu Khaarijiyo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxaa uu sheegay goobjoogahaasi in inta uu indhahiisa ku arkay tirada dhimashada Ciidamada Amaanka ay ahaayeen 14 Askari 11 kamid ah ay ahaayeen Askar isugu jirta Boolis, Nabad Sugud iyo Military Soomaali ah, halka 2 kalena ay kamid ahaayeen ciidamada AMISOM iyo Nin & Naag ka ag dhaweyd goobta uu falka Qaraxa ka dhacay iyo weliba laba kamid aheyd shaqaalaha Hotelka ’’

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray goobjoogahaasi in raga naftood haligayaasha ahaa ee weerarka soo qaaday ay tiradoodu ahayd illaa 3 ruux oo goobta ku yimid gaari nooca yar yar ee loo yaqaan (Kaarib) kadib mid kamid ah oo hubeysnaa ayaa ka soo degay gaariga waxaa uuna rasaas ku furay dhinaca Albaabka Hotelka, taas oo ninkii kale u suurta galisay in uu gudaha Hotelka galo, kadib ayuu yiri waxaan maqlay qarax iyo rasaas, mid kamid ah wuxuu ahaa Ninkii qoriga watay oo la toogtay iyo Ninkii gudaha Hotelka galay, kii sadexaadna isagana ciidanka ayaa dilay, waxaana loo maleenayaa in ay wali miino ku xiran tahay oo Hotelka ayuu dhex jiifaa meydkiisa, sidoo kale waxaa qaraxa labaad uu ahaa Gaarigii Kaaribka ah, Qaraxyada waa labo weerarkana waxaa soo qaaday 3 qof ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 3 Askari oo Amisom ah, 4 Askari oo ciidanka dowladda Soomaaliya ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa marka uu qaraxu dhacayay gudaha hotelka kula shirayay wasiirka arrimaha dibedda dowladda Kenya Sam Ongeri oo isagu in uu u tahniyadeeyo u yimid magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale amaanka Madaxweynaha Cusub Prof. Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxdii kale waxaa la wareegay ciidamada AMISOM, qaraxan waxaa uu niqinayaa midkii ugu horeyay ee la damco in lagu qaarijiyo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana masuuliyada Qaraxaasi ku faanay Kooxda Al-Qaacidada caalamiga ah ku xiran ee Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: