Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Sheikh Shariif oo kulan wada qaatay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kulan ku yeshay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheikh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axamed  iyo Guddoomiyaha Baarlamaaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Madaxdan kulankooda ayaa ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin, lamana oga wax yaabihii looga wada hadlay basle Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka looga wada hadlay sidii loo dardar galin  lahaa howlaha horyaalla Dowladda cusub  ee Soomaaliya iyo Isbadalka cusub ee uu dalku yeeshay sidii loola jaan qaadi lahaa.

Wararka waxaa ay tilmaamayaan in kulanka looga wada hadlayay Arimo badan oo ay kamid yihiin Ammaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Waxqabadka dowladda cusub iyo dhibaatooyinka  horyaala Xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono.

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa horyaala howlo badan oo ay kamid tahay in uu wax ka badalo xaaladda uu haatan dalku ku gugan yahay iyo in uu Soomaaliya u horseedo Isbadal Nabadeed.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya waxaa isa soo tarayay soo dhaweynta ay muujinayan Soomaalida ku nool dalka gudihiisa iyo Caalamka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxaa uu la kulmay kadib markii uu xilka qabtay  Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan  QM.  Augustine Mahiga, Madaxweynihii hore iyo Guddooomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana madaxweynaha cusub laga sugayaa in maalmaha soo socda uu soo magacaabo Ra’isul Wasaare cusub oo siyaasadiisa wax badan kabadali doonta.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: