Madaxweynihii hore Sh. Shariif oo ka guuraya magaalada Muqdisho iyo meelaha uu casuumadda ka heysto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa warar aad loogu kalsoon yahay waxaa ay sheegayaan in dhowaan boorsooyinkiisa uu ka qaadan doono magaalada Muqdisho isaga iyo laba ka mid ah xaasaskiisa afarta ah.

Qaar kamid ah dadka aad ugu dhow Sharifka oo ay arrintaas SomaliSwiss wax ka weydiisay ayaa sheegay ayaa ku gaabsaday inaan weli go’aankaas lagaarin, hase yeeshee haddii ay dhacdo inuusan sheekh Shariif  dalka joogeyn uu qaban doono sida lagu wado dalalka Qadar iyo Turkiga oo uu Sh.Shariif xiriir aad u dhow la leeyahay Madax, iyo siyaasiyiin u dhalatay labadaas dal ee Turkiga iyo Qadar, halkaas oo uu kala dejin doono Laba ka mid ah xaasaskiisa.

Sida caadiga ah madaxda caalamka ee xilalka sare ka dega waxaa lagama maarmaan iyo waajib ku ah in aysan muddo hal sano ah xiriir lasameyn warbaahinta, isla markaasna ay ka fogaadaan dhamaan arrimaha la xiriira maamulka iyaga laga bedelay, hase yeeshee waxay Soomaaliya taas uga duwan tahay, iyadoo amaanku liito oo aan loo heli kareyn ciidamada nabad gelyo iyo qarashka ku baxaya haddii uu dalka joogayo iyo iyadoo laga yaabo inuu mararka qaarkood ka hadlo siyaasadaha qaarkood haddii uu dareemo in ay dhibaato uga imaan karto mustaqbalkiisa.

Warar hoose ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu doonayo inuu dalka ku noolaado haddii uu damaanad qaad nabad gelyo oo buuxa ka helo dowladda cusub iyo ciidamada Amisom iyo wadamada Afrika iyo IGAD, isla markaana uu dareemo in madaxweynaha cusub uu ku qanacsan yahay sidaas.

Sheekh Shariif ayaa dad ay isku dhow yihiin ugu sir warramay inuu latashan doono, madaxweynaha cusub, isla markaana uu  dhegaysan doono fikirka iyo talooyinkiisa, isagoo shiikhu xusay in haddii madaxweynaha cusub dalbado inuusan ka dheeraan uu xushmeyn doono arrintaas ilaa iyo inta loo baahan yahay, haddii laga maarmo isla hadana uu dalka dibadiisa u guuri doono.

Lama oga fikirka saxda ah ee uu arrintaas ka qabo madaxweynaha cusub oo ay Sheekh Shariif aad iskugu fiicnaayeen ka hor intii aysan labaduba madax noqon, waxayna ahaayeen niman aad isugu dhow, tan iyo xilligii maxkamadaha ilaa markii Sh. shariif xilka qabtay oo ay ka hor iska wanaagsanaayeen madaxweynaha cusub, inkastoo xiriirkoodu yaraaday madaxtinimadii Shariifka ka dib.

SomaliSwiss London.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: