Advertisements

Maxey ka wada hadleen Mahiga iyo madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.

Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobe Augustine Mahiga  iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan aan lasii shaacin oo albaabku u xirnaa ku yeeshay Muqdisho, iyagoo kawada hadlay arrimo kala duwan.

Augustine Mahiga oo maanta barqadii si deg deg ah Hoteel uu joogay Madaxweyne Xasan u teagay, islamarkaana kaa dalbaday inuu uu la qaatay kulan gaar ah ayaa markii ay soo dhameysteen shirkoodii ka dib saxaafada u sheegay in booqashadiisa deg dega ahayd ku saabsanaydn inuu u hambalyeeyo madaxweynaha cusub, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo kale.

Mahiga ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo uu ku tilmaamay Mahiga inuu yahay Muwaadin Soomaaliyeed oo u qalma inuu noqdo madaxweyne, isagoo ku amaanay inuu yahay nin isbedel doon ah.

Si kastaba, warar kala duwan oo hoose ayaa sheegay in Mahiga uu madaxwynaha ugu tegay hambalyada ka sokoow, inuu la socodsiiyo farriimo kala duwan oo qaramada midoobay iyo Soomaaliya quseeyo oo ay ka mid ahaayeen arrimo la xiriira shir arimaha Soomaaliya looga hadlayo oo 26-ka bishaa ay ka hadli doonaan golaha amaanku, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha kale ee uu soo sheegay Mahiga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: