Madaxweynaha iyo Shacabka reer Jabuuti oo si weyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Somaaliya Prof. Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn u soo dhaweeyay qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtinimada Soomaaliya oo shalay ilaa xalay ka dhacday Muqdisho, isagoo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay Prof. Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in shacabka Jabuuti ay taageero dhan walba ah la garab taaganyihiin shacabka reer Jabuuti wuxuuna madaxweynaha Jabuuti ka hadlay Telefishinka qaranka dalka Jabuuti kadib markii xalay la dhaariyay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale shacabka reer Jabuuti oo iyagu doorashada kala socoday shaashadaha ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub iyo shacabka Soomaaliyeedba, iyagoo shacabka reer Jabuuti ay billaabeen fantasyo iyo dabaaldegyo waaweyn oo ay ku soo dhaweeynayaan doorashada ka dhacday Muqdisho iyo doorashada Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

Waru wuxuu intaa uu ku darayaa in Hobollada iyo kooxaha Fanaaniinta dalka Jabuuti ay  soo bandhigeen heeso cusub oo ay ku taageerayaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku soo muujinayeen sida ay ugu damqanayeen dhibaatada ay soo mareen shacabka Soomaaliyeed, waxaana irridaha loo xiray dhamaan goobaha gannacsiga sidaas waxaa shaaciyey Warbaahinta dalka Jabuuti.

SomaliSwiss        Jabuuti

SomaliSwiss@hotamail.com

%d bloggers like this: