SomaliSwiss oo Dhambaal Hambalyo ah u dirtay Madaxweynaha cusub Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhamaan Bahda Warbaahinta madaxa bannaan ee SomaliSwiss, waxay  Dhambaal Hambalyo ah u dirayaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, waxaa ayna ugu Hambalyey nayaan sida sharafta leh ee loogu doortay Xilka Madaxweyne nimada dalka Soommalaiya.

HOOS KA AKHRI FAAHFAAHINTA

 

 

Madaxweynaha cusub Xasan Sheikh Maxamuud iyo Agaasimaha SomaliSwiss Radio Bashiir Goobdon oo todobaad ka  hor Seminaar kuwada qaadanaya magaalada Muqdisho.

 Hase yeeshee  guusha Madaxweyne  Xasan Sh. Maxamuud, ma ahayn  mid iska timaaday, balse waxaa la oron karaa waa mid ka timid xag ALLE, waayo dadka intiisa badan ee aan aqoonta u laheyn Madaxweyne Xasan ma aysan fileyn inuu guushaas kala bixi doono Madasha Shirka doorashada.

Haddaba haddii aan nahay Bahda  Warbaahinta SomaliSwiss, waxaan mar labaad Madaxweynaha cusub ugu hambalyeynaynaa Guusha uu shalay galab gaaray, taas oo dadka intiisa badan ay qabaan in ay tahay mid u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed oo dhan, waxaan leenahay waa xil culus iyo masuuliyad dhib badan ee  Allaah hakuu fududeeyo, innaguna waxaan u rajeyneynaa in xilkaas shalay loo dhaariyey ilaah u fududeeyo.

Shalay ayay ahayd markii Bahda SomaliSwiss ay sii saadaalisay, intii ay socotay doorashadu inuu guuleysan doono Xasan Sheekh, isla markii ay isku soo hareen Afarta murashax. Halkaan ka akhri saadaashii shalay.

SomaliSwiss        Zürich

SomaliSwiss@hotamail.com

%d bloggers like this: