Hambalyo.. Hambalyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya dooratay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa noqonaya Xasan Sh. Maxamuud oo ay wada tartamayeen Shariif Sh. Axmad hase yeeshee uu ka guuleystay Xasan Sh. Maxamuud, sidii ay saacado ka hor sii saadaalisay SomaliSwiss.

Tirada ayaa hadda dhamaatay, wuxuuna shaaciyay gudoonka baarlamaanku inuu helay Sh. Shariif 79 cod, halka uu Xasan Sh. Maxamuud helay 190 cod.

Markii uu dhamaaday wareegii hore ee doorashada ayay SomaliSwiss saadaalisay inuu guuleysan doono hase yeeshee wuxuu ku guuleystay 190 cod oo ka badan 145-tii cod ee SomaliSwiss ay saadaalisay intii aysan bilaaban codeyntu, waxaan leenahay madaxweynaha cusub Hambalyo.

DAAWO DHAARINTA IYO KHUDBADA MADAXWEYNAHA CUSUB

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4OqOgA width=”480″ height=”340″]

Daawo Khdubadii Hambalyada iyo xilwareejinta ee Sh. Shariif

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4OqTgA width=”480″ height=”340″]

DAAWO NATIIJO KU DHAWAAQIDII DOORASHADA EE MADAXWEYNIHII HORE IYO MADAXWEYNAHA CUSUB

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4OrEgA width=”480″ height=”340″]

KHUDBADII MUSHARXNIMADA MADAXWEYNAHA CUSUB

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: