Saadaasha SomaliSwiss iyo Madaxweynaha saacado yar ka dib ladooranayo Sh.Shariif ama Xasan Sh. Maxamuud.

Saadaal ay sameysay shabakadda SomaliSwiss oo ku saabsan doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee maanta ka socota Muqdisho ayaa muujineysa in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleysan doono jagada madaxweynaha Soomaaliya.HOOS KA AKHRI SABABTA IYO SAADAASHA CODADKA.

SomaliSwiss waxay saadaalisay in uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleysan doono codad gaaraya ugu yaraan 140-145 cod iyo wax ka badan ama u dhow haddii ay run noqoto saadaasha SomaliSwiss.

Saadaashaan waxaa macquul ah in ay wax iska bedelaan, laakiin uma badna sidaas, hase yeeshee waxaa sidoo kale macquul ah in ay tiradu intaas aad uga badato, sidoo kalena ka hoos mari karto, laakiin sidaasi masheegin xisaabteenu.

Si kastaba haddii ay run noqoto xisaab isku dhifashada iyo Saadaasha SomaliSwiss waxay u badan tahay markaas inuu Xasan Sheekh guuleysan doono  qiyaas dhan sideetan boqolkiiba 80%.

Isku celcelinta iyo hab Miisaanka Qiyaasteena waxaa saldhig looga dhigay ama ay ku saleysan tahay xisaabta Xasan Sh. Maxamuud hore u haystay laga jaray Lix cod, lagu daray xisaabta C/qaadir Cosoble laga jaray Labo lagu daray xisaabta C/weli Gaas laga jaray 4 lagu daray xisaabta C/raxmaan Baadiyow, lagu daray ama laga jaray xisaabta Farmaajo lagu daray shaxaad kale..

Waxaa naga xiga waqtigaas saacado yar oo aan wada sugi doono ciddii ilaah nafta u daayo, hase yeeshee waxaa iyaduna macquul ah in xaaladda uu wax ka bedelo banaan u bixii salaadda maqrib oo sidoo kale keeni kara inuu Shariif Sheekh Axmed guuleysto 70%, laakiin isku dhifashada xisaabteenu waxay muujineysaa in saameynta iyo wax bedelka arrintaas aysan keeni karin guul, laakiin way dhici kartaa haddii banaan u bixii salaadda maqrib ee xildhibaanada qaarkood in dhabarka iyo jeebabkaa laga soo taataabtay oo ay xisaabta labada nin isu dhaweyn karaan oo sheekh Shariif looga guuleysto tiro yar.

W/D: Mohamed Saadaq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: