Bam lagu weeraray gaari ay ku xardhanaayeen sawirada Madaxweyanha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa ku dhintay hal qof, iyadoo ay 5 kalena ku dhaawacmeen, mar uu marayay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.
Gaariga oo ay ku xirnaayeen sameecado waaweyn ayaa kamid ahaa gawaarida ka qeyb qaadaneysay ololaha doorashada Sheikh Shariif, isla markaana waxaa lagu qarax lagula beegsaday Suuq Bacaad.
Goob jooge ku sugan Suuq Bacaad ayaa sheegay in uu arkayay illaa 5 qof oo dhaawac ah iyo darawalkii gaariga oo ku dhintay isla gudaha gaariga.
Ciidamada dowlada ayaa isla markiiba goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray, waxaa ayna billaabeen baaritaano si ay u helaan xogta cidii ka dambeysay.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.