Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Augustina Mahiga ee hada ay xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho ayaa haatan la qal galay Gabar Soomaali ah, xili ay socdaan Doorashooyinka Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya, isla markaana xafiiska uu QM. uga furay Muqdisho xilligiisi dhamaaday.
Lama oga Sababta ku kaliftay in Gabar Soomaaliyeed ay haatan la aqal gasho Augustina Mahiga oo isgu asal ahaan ka soo jeeda dalka Tanzania, inkasta oo Mahiga horay loo sheegay inuu horay u guursaday gabdho Soomaaliyeed isgoo kuwaa haatan ay kala tageen waxan mida haatan noqoneysaa midii ugu danbeysay ee uu haatan la Aqal galo.
Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa isagu la sheegaa in uu yahay nin si aad ah ujecel la socodka gabdhaha Soomaalida inkasta oo dadka qaar ku xantaan inuu yahay nin marar badan horay u xumeeyay gabdho Soomaaliyeed.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmailcom
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.