Gudoomiyaha Baarlamanka Iyo Madaxweyne Shariif oo ka wada hadlay habsami u socodka howlaha Doorashada.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa xalay ku  kulmay hoyga Guddoomiyaha Barlamaanka, waxaana uga horreyn uu  Madaxweynaha ugu hambalyeeyay Gudoonka baarlamanka howlsha culus uu hayo Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Kulanka Madaxweyne Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Federalka Soomaaliya ayaa wuxuu ahaa u jeedkiisu sidii looga gudbi lahaa marxalada adag iyo sidii ay u socdaan howlaha loogu talagalay dhameystirka marxadda ka guurka..

Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta ayaa xusay in kulankooda uu ahaa sidii ay uga wada xaajoon lahaayeen in wax waliba ay ku dhamaadaan sidii loogu talagay maadaamada wadanka haatan uu ku jiro marxalada kala guur ah.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay xildhibaanada in ay door muhiim ah ka qaataan doorashada dhaceyso 10ka bishan taas oo ku aadan maalinta Isniinta laguna dooranayo Madaxweyne cusub oo uu yeesho dalka.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in kulankii uu la qaatay Madaxweyne Shariif ay kaga arinsanayeen xaalada dalka maadaama haatan lagu jiro marxalad kala guur ah ayna isla afgarteen in howsha loo wado sida ay haatan u socoto.

Dhanka  kale afhayeenka baarlamanka ayaa qeexay in shaqada baarlamanka aan loo hakin doonin xildhibaanada ka maqan ee aan weli la soo gudbin isagoona ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gudbiyo.

Si kasta ha ahaatee Kulanka ay wada qaateen Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamanka Dowladda Federaalka ayaa qeyb ka ah dadaalada ay madaxda dalka ugu jiraan sidii ay u dar dar gelin laheyd howlaha adage ee looga baxayo Kumeel gaarnimadii loona gudbayo Dowladda aan KMG ah waxaana haatan magaalada madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka socdo u diyaar garoow loogu jiro doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: