Advertisements

Baarlamanka oo maalintii labaad u fadhiya dhageysiga khudbadaha wax-qabadka musharraxiinta.

Waxaa Qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay Saakay ka billaabeen khudbado ay ka hor jeediyaan fadhiga Xildhibaanayaasha Baarlamanka iyagoo ku soo bandhigi doona waxa uu musharax kasta qaban doono haddii uu xilka ku guuleysto.

Sida aad la socotaan shalay gelinkii dambe ilaa xalay ay mudanayaasha Baarlamanku dhaqeysteen qudbadaha 10 musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynanimada Soomaaliya isla markaana uu mid kasta oo ka mid ah musharaxiintaasi uu soo bandhigay barnaamijyada u qorsheysan ee uu doonayo in uu dalka ku maamulo ayaa haddana maanta lagu wadaa in ay Baarlamanka hortagaan 15-ka musharax ee ka harsan tirasha musharaxiinta la diiwaangeliyay.

Xarunta golaha shacabka ayaa waxaa ilaa saakay ka soconayey Warbixinnadii ay soo jeedinayeen Musharraxiinta, waxaana kulanka maanta hortagay 15 musharax kuwaas oo Xildhibaanada u sharaxi doona barnaamijyadooda siyaasadeen halka mid kastaba uu mudanayaasha weydiisanaya in la doorto.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: