Mareykanka oo ugu baaqay musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya in ay ku qancaan natiijada doorashada.

War ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ku dhiiri gelineyso musharixiinta u tartameysa xilka madaxtiminada Soomaaliya in ay ku qancaan natiijada guddiga doorashada marka ay dhacdo isla markaana oo ay ka fogaadaan inay carqaladeeyaan doorashada.

Sidoo kale Warka ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanku waxay musharixiinta Soomaalida ka dalbaneysaa inay u hogaansam aan go’aanada guddiga guddiga doorashada oo ay ku qancaan natiijada si dalka Soomaaliya uu kaga baxo dhibaatada sanado badan uu ku jiro.

War saxaafadeedka Maraykanka kasoo baxay ayaa lagu yiri:”Tobanka September waxa ay noqon doontaa maaalin taariikhi ah waayo dalka Soomaaliya waxa uu yeelanayaa madaxweyne bilaw u ah dawlad aan ku meel gaar aheyn , waxaana tartamayaasha 25 musharax ah ugu baaqeynaa inay aqbalaan natiijada soo baxda”.

Dhanka kale Dawladda Mareykanka waxay gudiga doorashada ay ka codsatay inay dareemaan mas’uuliyadda saaran oo waajibkooda ay u gutaan si cadaalad ah, sidoo kale waxaa maalinta Isniinta ah oo ay bisha Sept ay tahay 10ka 2012 loo ballansan yahay in 25 ka musharax ay u tartamaan doorashada dhacaysa.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: