Advertisements

Q.M. oo xildhibaanada Baarlamanka u sheegtay in ay ka fogaadaan Laaluush qaadasho.

Qaramada Midoobay ayaa ku boorrisay xubnaha cusub ee Baarlamanka Soomaaliya in ay la yimaadaan isbedello muuqda, si dalka looga samatabixiyo xaaladda adag, isla markaana iska ilaaliyaan waxyaabaha keeni kara Musuqmaasuqa.

Wakiilka Qaramada Midoobay uga qaabilsan arrimaha Soomaaliya Agastin Mahiiga ayaa  shalay qorax-dhacii  isaga iyo xubno  ka socday beesha caalamka ay kulan la qaateen Afhayeenka Baarlamaanka ayaa waxa uu kala hadleen arrimo ku saabsan xaaladda waddanka iyo sida ay u socota qabanqaabada doorashada.

Qaramada Midoobay ayaa kulankaasi kadib soo saartay warsaxaafadeed lagaga hadlay isbedalka siyaasadeed ee ka jira waddanka iyo sida hagaagsan oo ay u socoto qabanqaabada doorashada madaxweynaha, waxaana sidoo kale lagu xusay warsaxaafadeedka in laga fogaado wax kasta oo keeni kara musuqmaasuq.

Sidoo kale waxaa si gaar ah warsaxaafadeedka loogu soo hadal qaaday in xubnaha Barlamaanka ay ka fogaadaan wixii dhaawici kara sumcadooda iyo in ay la yimaadaan waxqabad muuqda.

 Ugu danbeeyntii waxaa war saxaafadeedka lagu soo gabagabeeyey go’aankii looga gudbay maraxlada KMG ah in uu ahaa mid taariikhi ah iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka lagu booriyey in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara qalqalaase Siyaasadeed, islamarkaasna ay ka fiirsadaan qofka ay dooranayaan si wadanka uu ula jaanqaado wadamada kale ee caalamka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: