Advertisements

Musharraxiinta oo maanta khudbado ka jeedin doona Baarlamanka Soomaaliya.

Toban ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha dalka ayaa maanta  Barnaamijkooda siyaasadeed u sharraxi doona Xildhibaanada Baarlamanka, iyagoo ka hor jeedin doono qudbado ay ku muujinayaan waxa ay qaban doonaan mustaqbalka haddii ay xilka ku guuleeystaan.

Waxaa shalay galabnimo ay ku akeyd qabashada araajida musharraxiinta ayaa haddana guddiga doorashadu wuxuu shaaciyey in 25 musharax ay u taagan yihiin tartanka doorashada madaxweynaha dalka kuwaas oo soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, waxaana isla maanta ay barnaamijyadooda siyaasadeed ay horgenayaan  Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka, isla markaana ay weydiistaan codkooda.

Sida ay wararku ay sheegayaa Toban Murashax oo ka mid ah 25-ka murashax ee u tartamaya doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ka horjeedin doonnaan xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya barnaamijyadooda siyaasadeed oo ay doonayaan inay dalka ku hoggaamiyaan haddii ay ku guuleystaan doorashada madaxnimo.

Kulanka ay musharaxiintu kula hadlayaan xildhibaannada ayaa wuxuu gallinka dambe ee maanta ka dhacayaa xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, waxaana guddiga doorashadu ay sheegeen in murashax walba la siinayo 20-daqiiqo oo uu khudbadiisa kusoo koobo.

Magacyada Musharaxiinta maanta oo Jimco ah khudbooyinkooda ka jeedinaya galaha Barlamaan ayaa waxaa ka mid ah:

1.   Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

2.   Xuseen Khaliif Jaamac

3.   Maxamed Axmed Saalax

4.   Cabdullaahi AxmedCaddoow

5.   Maxamed Cabdullaahi Oomaar

6.   Sheekh Shariif Sheekh Axmed

7.   Cabdweli Maxamed Cali Gaas

8.   Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

9.   Salaad Cali Jeelle

10.Cumar Salaad Cilmi

Sidoo kale, maalinta berri oo Sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa inay barnaamijyadooda siyaasadeed ka horjeedin doona 15-ka murashax ee kale, iyadoo kulankaas uu furmi doono 9:00 subaxnimo.

Sida  horay loo shaaciyey Doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay magaalada Muqdisho ka dhacaysaa 10-ka bishan September, iyadoo doorashadan oo ah mid aad u adag ay noqonayso tii ugu horreysay oo Muqdisho ka dhaca muddo 42-sano ah kaddib.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: