Advertisements

Maamulka Puntland oo soo bandhigay Maleeshiyaad ka soo goostay Al-Shabaabka Galgala.

C/Jamaal Cismaan Maxamed oo ah ku-xigeenka Waaxda Amniga ee Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta soo bandhigay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo ka soo goostay ururka Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Ku-xigeenka maamulka amniga Puntland oo shir jara’id maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Boosaso ayaa sheegay dhalinyaradan kasoo goostay Al-shabaab in markii hore la marin habaabiyay.

Mudane C/Jamaal Cismaan Maxamed  oo ka hadlayey soo gooshada dhalinyaradan ayaa wuxuu ku sifeeyay inay timid kadib markii ay garowsadeen marin habaabintii lagu sameeyay, waxaana uu xusay dhalinyarada ka soo baxsanaya Al-shabaabta ku sugan buuraha Gollis inay ugu wacan tahay cafiskii horay uu ugu  fidiyay Madaxwaynaha Maamulka Puntland Faroole uu ee ahaa dhalinyarada ka soo baxaya Al-shabaab inay soo dhoweynayaan.

Mid ka mid ah dhallinyarada ka soo baxsatay xarakada Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Sharma’arke Cabdi Maxamed ayaa  warbaahinta u sheegay, in  kahor inta uusan ka mid noqon maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhuumalaysanaya buuralayda Golis inuu ahaa arday wax ka barta mid ka mid ah goobaha waxbarsho ee deegaanada Puntland, balse markii dambe ay fikir ku shubeen kooxda Al-shabaab xubno ka mid ah, waxaa uu sheegay markii uu garowsaday qaladka uu galay inay danta biday sidii uu dowlada Puntland uu isugu soo dhiibi lahaa.

Sida la wada ogsoon yahay Maamul goboleedka Puntland ayaa waxay  dagaal kula jirta ururka Al-shabaab ee fariisimaha ku leh deegaanka Galgala 30km koonfur galbeed uga beegan magaalada Bosaaso ayaa horay sidaan oo kalle u soo bandhigay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

SomaliSwiss    Bosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: