Advertisements

Guddoomiyaha Baarlamanka oo sheegay in doorashada ay u dhaceyso si caddaalad ah.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheikh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay ku dhici doonto qaab cadaalad ah, oo aan ku jirin mugdi sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo shaley isaga iyo wakiilo ka socda beesha caalamka ay ku qabteyn xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in ay 10-ka bishan la qaban doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in doorshada madaxweynaha Soomaaliya ay ku dhici doonto qaab hufan oo la isku raacsan yahay isla markaana ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya la imaan doonaan qorshayaal badan oo wax looga qabanayo dalka.

Wuxuu yiri in dhammaan xubnaha baarlamaanka ay si siman ula shaqeyn doonaan musharrixiinta gaareysa ilaa 25-ka kuwaasoo maalinta isniinta ka qeybgalaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray xubnaha baarlamaanka iyo guddoonkooda waxa ay yihiin u adeegayaasha ummadda Soomaaliyeed, isagoo ka rajeeyay inay noqdaan kuwa ka tarjuma rabitaanka shacabka.

Waxa laga cabsi qabaa in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo musuq-maasuq iyo wax isda mariin, arrintaas oo hadda soo baxday.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: