Advertisements

DAAWO SAWIRRADA MAGAALADA KISMAAYO.

Magaalada Kismaayo oo ah caasimadda gobolka Jubada Hoose oo beryahan noqotay meel ay ku hardamayaan gacan ku haynteeda ciidamada dowladda Soomaaliya, Amisom, Kenya iyo Ethiopia, iyadoo ay imminka gacan aan xooganeyn ku hayaan kooxda Al-Shabaab, ayaa xaaladeeda hada waxaa ay tahay mid aan wanaagsaneyn oo bad iyo barriba laga taagan yahay. HOOS KA DAAWO SAWIRRA FARA BADAN

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad u walaacsan, isla markaana aan aheyn mid haysta dhinac uu uga baxo, waxaa intaasi u dheer, dhaqaala xumo, xunta yaraan, madaafiic uga imaaneysa cirka iyo badda, dhaawacyadooda oo aan daawooyin fiican haysan, cunna qabateyn saaran iyo welwelka haysta oo ah goormaa lasoo dul degi doonaa.

Advertisements
%d bloggers like this: