Madaxweyne Shariif oo wareegto uu soo saaray degmooyin ugu magacaabay Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa wareegtooyin uu soo saaray waxaa uu degmooyin ugu magacaabay illaa 4 degmo oo ka tirsan Gobolka Galgaduud. HOOS KA AKHRI MAGACYADA DEGMOOYINKA

Digreeto September 2, 2012 uu soo saaray Sheikh Shariif ayaa waxa uu dagmooyin ugu aqoonsaday deegaanka WABXO oo ka tirsan gobolka Galgaduud, taas oo uu sheegay in demanimadeedu ka soo bilaabanayso taariikhdu markii ay aheyd 16/7/2012.

Sidoo kale Sheikh Shariif waxa uu dagmo u aqoonsaday deegaanka GODINLABE oo ka tirsan isla Gobolka Galgaduud, waxana uu digreetada ku sheegay in dib loo habeynayo soodimaha ay leedahay dagmadaasi.

Sidoo kale, Digreeto September 5, 2012 uu soo saaray Sh. Shariif ayuu dagmo ugu aqoonsaday  deegaanka DOCOLEEY oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxana uu wareegtada ku xusay in dib loo habeynayo soodimaha ay leedahay dagmada cusub ee uu magacaabay.

Sidoo kale Wareegto kale ayuu dagmo ugu aqoonsaday deegaanka Derri oo hoos imaata isla gobolka Galgaduud, taas oo degmonimadeedu usoo bilaabanayso taariikhdu markii ay aheyd 16/7/2012.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: