Liiska magacyada 25-ka Musharax ee u taagan xilka madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya.

Waxaa maanta lasoo geba-gabeeyay qabashada araajidii murashaxiinta doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo ay Araajidooda soo gudbiyeen 25 murashaxiintii dooneysay in ay xilkaas qabtaan, sida ay ku dhawaaqeen guddiga qaban qaabada doorashada.

25-ka Musharax ee soo buuxiyay shuruudaha looga baahnaa ayaa waxaa ku dhawaaqay magacyadooda Guddiga doorashada.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in musharaxiinta ay Baarlamanka hor imaan doonaan isla berri, iyadoo illaa 10-musharax ay baarlamanka ka hor jeedin doonaan Khudbadahooda.

Magacyada Musharaxiinta soo buuxiyay araajida ee uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Gudiga doorashada ayay magacyadoodu kala yihiin, innagoo ku bilaabeyna sida ay Alif beetada u kala horeeyaan:-
—————————–—————————————————————————————

  1. Axmed Ismaaciil Samatar
  2. Bashiir Nuur Xasan Bidaar
  3. Cismaan Maxamed Gacal
  4. C/llaahi Axmed Caddow
  5. C/qaadir Cosoble Cali
  6. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  7. C/raxmaan Macalin Baadiyow
  8. C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
  9. C/waaxid Cilmi Goonjeex
  10. C/wali Maxamed Cali Gaas
  11. Cumar Salaad Cilmi
  12. Ibraahim Cali Xuseen
  13. Maslax Maxamed Siyaad Barre
  14. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
  15. Maxamed C/llaahi Oomaar
  16. Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf
  17. Maxamed Axmed Saalax
  18. Saciid Ciise Maxamuud
  19. Shariif Sheekh Axmed
  20. Salaad Cali Jeelle
  21. Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin
  22. Xasan Sheekh Maxamuud
  23. Xuseen Khaliif Jaamac
  24. Yuusuf Garaad Cumar Axmed
  25. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
%d bloggers like this: