Musharrixiin u tartamayay xilka madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay tanaasuleen.

Musharixiin caan ah oo gaaraya illaa 11 oo horey u shaaciyey in ay u tartamayaan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa markale sheegay in ay ka tanasuleen musharaxnimadooda. HOOS KA AKHRI MAGACYADA MUSHARRIXIINTA TANAASUSHAY

Siyaasiyiintan ku dhowaaqday in ay tanaasuleen ayaa waxaa ay gaarayaan illaa iyo 11 musharax oo qaar kamid ah saxaafada hore ugu soo bandhigey inay yihiin musharaxiin u tartamaya jagada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Waxaana kamid ah siyaasiyiintan sheegay in ay tanasuleen kuwo horey xilal uga soo qabtay dalka dowladihii hore ee soo maray Soomaaliya, waxaana ka mid ah Gen. Maxamed Nuur Galaal, Maxamad Maxamuud Guuleed, Abdulqaadir Xaashi Cali (fish), Yaasiin Maahi Mo’alim iyo Prof. Ahmed Mumin Warfaa.

Sidoo kale waxaa ka mid ah dadka iyagu haatan sheegay in ay musharaxnimadooda ka noqdeen qaar aan horey looga maqal saxaafada, hase yeeshee siyaasiyiintan ayaa waxaa ay sheegeen in ay taageerayaan mid kamid ah musharixiinta kale ee u taagan xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee siyaasiyiintan ayaa waxaa ka dhex muuqda qaar ay dhab ka ahayd inay isu soo taagaan xilkan iyo qaar kale oo iyagu ay ka ahayd in saxaafada uun laga maqlo taariikh nololoodkoodana ay ku darsadaan in mar uun ay isu soo taageen xilka ugu sareeya dalka.

Balse hadalkan ka soo yeeray siyaasiyiintan ayaa waxaa uu imanayaa iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay mudadii loo qabtay in ay dhacayso doorashada madaxweynaha isla markaana la shaaciyey shuruudaha laga doonayo qofka isu soo taagi karo xilkan.

Wararka magaalada Muqdisho la isla dhex marayo ayaa waxaa ay tilmaamayaan in qaar kale oo kamid ah musharixiinta ay ku dhowaaqi doonaan in ay tanasulayaan maadaama aysan buuxin karin shuruudaha laga doonayo musharax walba.

Hase ahaatee illaa labaatan musharax ayaa la xaqiijiyey inay maanta qaateen dukumintiga la soo buuxinayo oo ay ku qoran yihiin shuruudaha iyo lambarka accounka ee ay lacagta ku shubayaan. Waxaana inta badan musharixiintu ay yihiin dad ka yimid wadamada dibadaha oo qurbojoog haatan la baxay.

Qurbo joog badan oo ku soo qulquleysay magalada Muqdisho ayaa bilaabay haatan inay wadamadii ay ka yimaadeen ku laabtaan kadib markii ay waayeen in ay xubin baarlamaan helaan iyadoo inta badan xubnaha baarlamaanka ku jira haatan ay yihiin kuwo dalka dibadiisa ka yimid. Waxaana siyaasiyiintii hore dalka u joogtay ay noqdeen kuwo intooda badan waayay xubinimada baarlamaanka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: