Al-Shabaab oo dhalinyaro ku toogatay degmada Baraawe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay fagaare ku yaala degmada Baraawe waxaa ay ku toogteen labo wiil oo dhalinbyaro ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay basaassiin u ahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxkamad ay leedahay kooxda Al-Shabaab ayaa ku xukuntay dil labo wiil dhalinyaro ah oo da’dooda ay u dhaxeysay 15-jir ilaa 20-jir, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen rag wax u basaasayay dowladda Soomaaliya.

Fagaaraha lagu toogtay labada wiil oo lagu kala magacaabi jiray C/naasir Cilmi Cabdi oo 17-jir ahaa iyo C/qaadir Dahir Cismaan oo 20-jir ahaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne fara badan oo cod-baahiyeyaal la isugu yeeray.

Nin lagu sheegay Qaadiga Maxkamada Al-Shabaab ayaa ka sheegay fagaaraha in labadan dhalinyaro ay howlo basaasnimo ah u joogeen Isgoyska Ex Kontarool Afgooye oo ah halka gaadiidka galaya magaalada Muqdisho lagu baaro.

Saraakiishii Al-Shabaab ayaa magaalada Baraawe u baxay, markii ay soo faarujiyeen Marka oo aheyd Xaruntii Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa la wareegay todobaadkii hore magaalada Marka oo ah magaalo xeebeed, iyadoo haatan qorsheynaya in ay gaaraan deegaanada kale iyo magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss Baraawe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: