Afhayeenka ciidamada AMISOM oo sheegay in ciidamada ay dhinac walba ka joogaan magaalada Kismaayo.

Waxaa isa-soo tarayaa oo marba marka ka danbeysa ay sii xoogeysanayaan dagaalada ka socda gobolka Jubada hoose ee u dhaxeeya ciidamada isgarabsanaya iyo kuwa Al-Shabaab, waxaana AMISOM ay sheegtay in Kismaayo ay ku dhowyihiin.

Afhayeenka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay waqtiyada soo socda inay la wareegaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose taasoo ay ku xooganyihiin Maleeshiyada Al-shaaab.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu sheegay in Ciidamada magaalada Kismaayo dhowr jiho ay kaga hareeraysan yihiin, isla markaana ay u jiraan wax ka yar 30 Km.

Col. Cali Aadan Xaamud ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaanadii ugu danbeeyay ee Al-shabaab ay kala wareegeen ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo hada nabadoon, hase yeeshee waxaa uu tilmaamay in dad dhbaateysan ay ugu tageen deegaanadaas.

Afhayeenku wuxuu caddeeyey indDagaalada u dhaxeeya Ciidamada isgarabsana iyo Al-shabaab ay maalmihii u danbeeyay sii xoogeysanaya, waxaana dagaaladaasi ka qeyb galayay diyaarado dagaal oo laga leeyahay Kenya, kuwaasoo dhabar jab iyo cabsi ku riday kooxda Al-shabaab ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo nabadda Umadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: