Saraakiisha ciidamada Kenya oo sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay dileen ciidamo Soomaali iyo Kenyan ah.

Warar naga soo gaaray jiida hore ee dagaalada Ka socda G/Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada Kenya ay sheegeen in diyaaradaha dagaalka ee Kenya  ay duqeymo u geysteen meelo ay ku sugnaayeen Ciidamo

ka tirsan ciidamada dawlada Soomaaliya kuwa Raas-kambooni iyo kuwa dawlada Kenya, waxaana  ku geeriyooday  Ciidamo tiro badan oo kuwa Huwanta ah, sidaas waxaa caddeeyey  Tv,ga ku yaala dalka Iran ee Press Tv.

Sidoo kale Saraakiishu waxay sheegeen in duqeyntaan ay geysteen diyaaradaha Kenya ay ka geysteen goob ay gaareen ciidamada is garabsanaya iyadoona duqeyntu aheyd mid aad u xoog badneyd, soona noqnoqotay.

Dhanka kale Tv-ka Press ayaa ku waramaya in duqeynta ay ka geysteen diyaaradaha Kenya deegaanka Miido ay kunaf waayeen illaa iyo 51 askari oo iskugu jira Soomaali iyo Kenyan.

Haddana Saraakiishii u hadashay tv,ga press ayaa ku warameen inay jiraan askar kale oo ay dhaawacyo kasoo gaareenduqeyntaasi iyadoona ay jiraan waxyeelo kasoo gaartay gaadiid dagaal oo ay ciidamada dawlada iyo kuwa jabhadda Raas-kambooni.

Si kasta ha ahaatee Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeymokawaday deegano ay ka mid yihiin magaalada Miido oo AMISOM iyo dawladu sheegtay inay Al-Shabab ka qabsadeen.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: