Afhayeen Guddiga Doorashada oo sheegay in Musharixiinta u tartamaysa Madaxweynenimada Soomaaliya la dul dhigay in ay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo dollar.

Afhayeenka Gudiga doorashada Madaxweyninimada Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim, ayaa wuxuu ka faalooday sababta ay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne ay u dul dhigeen inay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo dollar, Afhayeenku wuxuu Intaa uu raaciyey  in sababta ay tahay si ay u kala yareeyaan

musharaxiinta oo in ka badan 60 Musharax kuwaasi oo uu xusay in qaarkood aysan dhab ka aheyn musharaxnimada.

Sidoo kale Afhayeenka Gudiga doorashada wuxuu sheegay in lacagta ay ka qaadaan musharaxiinta ay ku dhaceyso accon-ka barlamanka, balse aysan qaadaneynin Gudiga isaga oo sheegay in sharuud adag aysan aheyn lacagtaasi islamarkaana aysan wax uu ka cowdo nin heer Madaxweyne doonaya.

Sida aad la wada socotaan Barlamanka cusub ee  Soomaaliya ayaa wuxuu shalay dood adag ka yeeshay arrimo ay ka mid tahay 10,000 ee dollar oo lagu galayo doorashada Madaxweyne taasi oo Xildhibaano badan ay kasoo horjeesteen.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: