Taliyaha Ciidamada AMISOM oo sheegay in ay qabsadeen deegaanka Miido ee G/Jubbada Hoose…

Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Gutti  ayaa sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose oo 25-km u jirta degmada Afmadow halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo xooggan labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Jen. Gutti waxaa uu sheegay in dagaalkaas ay ku waayeen shan ka mid ah Ciidankooda, sidoo kale taliyuhu wuxuu sheegay in saddex askari ay kaga dhaawacmeen, kuwaasoo hadda lagu daweynayo deegaanka Dhoobley.

Warsaxaafadeed laga soo saaray xarunta  AMISOM ayaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 36 ka mid ah xoogagga Al-shabaab ee ay la dagaalameen, iyagoo beeniyay in degmada Afmadow ay qabsatay Al-shabaab.

Sidoo kale Taliyuhu wuxuu sheegay in dagaalkaas ay ku burburiyeen toddoba gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa sahayda qaaada oo ay lahayd Al-shabaab, sidoo kalena ay ku qabsadeen deegaanka Miido oo ay ku sheegeen inuu yahay deegaan muhiim ah oo u sahlaya qabsashada degmada Kismaayo.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa howgalkaas ku tilmaamay mid guul ah, isagoo sheegay in qabsashada Miido ay dadka deegaanka u horseedayso inay ku noolaadaan nabad ayna ka madaxbannaanaan doonaan argagaxii iyo amar-ku-taagleytii Al-shabaab.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa shalay ku soo bandhigtay degmada Kismaayo maydadka afar askari oo laba ka mid ah lagu sheegay inay u dhasheen dalka Kenya, balse ma sheegin AMISOM in ciidamada lagu soo bandhigay Kismaayo ay ka mid yihiin kuwii ay ku waayeen dagaalkii ka dhacay Miido.

Jen. Gutti oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Afmadow waxaa gacan buuxda ku haysa AMISOM,” wuxuuna beeneeyey in warka ka soo baxay Al-shabaab ee ah inay qabsadeen uu yahay mid aanay waxba ka jirin, balse goobjoogayaal ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in gudaha degmadaas lagu arkay habeenkii Sabtida dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Si kasta ha ahaatee dagaalladii ka dhacay deegaanka Miido ay dadka ku nool gobolka Jubbada hoose waxay ku tilmaameen kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca degmadaas tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar 2011.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay dagaalkaas kusoo rideen diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo ay lahayd dowladda Kenya, kana qaybqaadanayay dagaalka, basle ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Kenya.

Hase yeeshee Mas’uuliyiinta ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa xusay inay ku wajahan yihiin degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ah goob ay awood badan ku leedahay Al-shabaab, iyadoo laga darmeeyo degmadaas dagaallada ka socda hareeraha Afmadow.

SomaliSwiss       Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: