Aas Qaran oo Maanta Ra’isal wasaarihii hore ee Ethiopia loogu sameeyay magaalada Addis Ababa.

Waxaa magaalada Addis Ababa ka socda Munaasabad ballaaran oo Aas Qaran loogu sameynayo Ra’isal wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zanaawi, waxaa saakay ku sugan magaalada  Addis Abada Madax kala duwan oo ka qeyb galaya munaasabadda Aaskaasi, waxaana ka mid ah Madaxweynaha dowlada Soomaliya Sh. Shariif Sh Axmed.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya  C/weli Gaas, Guddoomiyaha  maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Guddoomiyaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale oo caalamka ah.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya marti sharaf ay Asxaab ahaayeen Meles Zanaawi oo uu ka mid yahay maalqabeenka Mareeykanka ah Bil Gayts.

Dhanka kale qoowmiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia oo ay ka mid yihiin Soomaalida ayaa sidoo kale ka qeyb galaya Aaska Meeydka R/wasaarihii hore ee Ethiopia waxaana lagu wadaa in gelinka dabme ee maanta lagu Aaso Kaniisad ku taalla Magaalada Adis’ababa, hase ahaatee dadka ka faalooda Siyaasadda waxay sheegeen in dhimashada  Meles Zanawi ay mideysay qoomiyagada Ethiopiyaanka ah iyo Axsaabta Siyaasadda ee dalka Ethiopia,

SomaliSwiss       Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: